Ismaaulka Busia ayaa waxaa laga soo sheegayaa dhacdo layaabkeeda wadata kadib markii haweenay ay dhaawacyo halis ah uu gaarsiiyay seygeeda xilli uu khilaaf ku saleysan qoyska ka dhex aoosnaa.

Haweeneydan o ka so jeeda ismaamulka Busia gaar ahaa tuulada Tanga Kona oo ku taalo deegaanka Nambale uu ninkeeda Farurta ka gostay sidokalena dhagteedana bidixna raacsaday.

Jackline Kerubo waa hoyo heysata 6 Carruur ah ayaa sheegtay xilli ay beerta dariskeeda u doonatay qudaar in seygeeda uu ka diiday.

Waxaa ay sheegtay in dariskeeda uu soo kala dhex galay xili u ku godiyya in uu talaabo ka qaadayo islamarkaana cashar u dhigi doono.

Haatan Karubo ayaa lagu dabiibayaa isbitaalka deegaanka Nambele

Xilli ay kula hadleysay warbaahinta gudaha saldhigga bileyska ee Nambele ayaa waxaa ay sheegtay in ninkeeda uu kushiinka ugu soo galay kadibna uu madaxa wax kaga dhuftay islamartkaana qaniinyo iska lulay bishinta iyo dhagteeda.

Waxaa ay intaas ku dartay in mid kamid ah carruurteeda oo 8 sano jir ah uu dhankiisa jug gaarsiiyay ninka weerarka soo qaaday.

Guddoomiyaha xaafadda Oundo ayaa sheegtay in ay u yeertay qoyskan si ay u xallsio xaaladda la soo daristay.

Waxaa ay sidokale sheegtay in ay iskugu wacday qeybaha bulshada si ay ugu wacyi galiso in ay soo sheegaan dhacdooyinkan oo kale ee xad gudubka ka dhanka ah xuqquuqda aadanaha si loo caawiyo dhibbanaha islamarkaana qaswadayaasha loo hor keeno caddaaladda.

Dhibanaha ayaa dhankeeda iska xaadirisay xarunta bileyska ee Nambele halkaasi oo ay cidankuu baaritaankoda wadaan kuna raad joogaan dabiilaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here