Kulan ay yeesheen dalladda ay ku mideysanyihin culumada dalka ee SUPKEM ayaa kenyanka ugu baaqeen in ay ka qeyb qaataan tirakoobka dalka dhawaan kaga qaban rabo.

Gudoomiye ku xigeen Washalla Abdhi ayaa sheegay in tirakoobka uu ka caawin karo dowlada qorshaheeda ku aadan in Kenyanka ay hellaan addeegyo wanaagsan.

Waxaa dhanka kale uu ku boorriyay dhamaan Kenyanka in cid kasta ay dib ugu laabato halkii ay ku dhasheen si ay dowladdu ugu sahlanaato qoondeynta miisaaniyadda ee ismaamulada kala duwan taasi oo horumar u keeneysa deegaanada kala duwan ee ay Kenyanka ka soo kala jeedaan.

Howlahan la xarriira tirakoobka ayaa lagu wadaa in ay si toos ah u bilowdaan taarikhdu marka ay tahay 24ta bisha Agosto islamarkaana la soo afjaro 31da isla bishaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here