Guddiga addeega qaran ee macaliminta ee dalka TSC ayaa laga doonayaa in aysan ka laaban goáan ay dhawaan gaareen kaasoo ahaa hoos u dhigidda dhibcaha uu ardaygu ku biiri barashada koorsada macalinnimada dugsiyada hoose.

Bishii May ayey aheyd markii ay wasaaradda waxbarashada ay qaadacday 3,000 oo macalimiin ah kuwaasi oo heystay buundada D+ waxaana ismaamulka Garissa kaliya guryaha lo direy macalimin gaaraya 300 kuwaasi oo koorsadan ka baranayay Kollaajka Garissa.

Xoghayaha wasaaradda waxbarashada ee dalka Pelio Kipsang ayaa amaray in dhamaan agaasimayaasha siddeeda gobol ee dalka ay xaqiijiyaan in kollaajyada dowladda iyo kuwa sida gaarka ah loleeyahay ay kaliya diiwaan galiyaan ardayda heysta buundada C amaba C+ waxaana warqaddan uu amarka ku bixiyay ay soo baxday bishii Afraad 26keedi.

Xildhibaanka deegaanka Dadaab Mohamed Dahiye ayaa maalintii shaley aheyd waxaa uu sheegay in macalimintan la doonayay in ay gobolka ka xaqab tirraan baahida macalin yari ee soo fod saarta waayaha sababo la xarrira amaan darro iyo cimilada oo aysan qaar macaliminta kamid ah aysan ku noolaan Karin.

Waxaa uu intaas ku daray in dhawaan laga cabsi qabo in albaabada laiskugu dhufto kollaajyada lagu barto korsooyiinka waxbarashada ee gobolka maadama wax barta aysan jirin.

Mashruucan hoos loogu dhigay buundada korsada macalinnimada ayuu sheegay in lagu beegsanayo 17 ismaamul goboleed

Waxaa dhanka kale uu ku booriyay guddiga qaran ee imtixaanada dalka ee KNEC in ay aaminaan islamarkaana dhaqan galiyaan nidaamka wanaagsan ee dowladda kaasi oo looga hortagayo qishka imtixaanka islamarkaana aysan u raadin qiil ay u cuskadaan natiijada hooseysa ee ardayda.

AbdirizaK Hussein oo ah xubin are oo katirsan guddiga KNEC ee ismaamulka Garissa ayaa ku tilmaamay arrinkan mid takoor ah islamarkaana guddiga looga baahanyahay in aysan qeyb ka nqon dhibaatada taala.