Qaar kamid ah dadka dhaqda dameeraha ee ismaamulka Lamu ayaa doonayaa in dowladda gaar ahaan wasaaradda dalxiiska iyo duurjoogta ay magdhow siiyaan kadib waraabe ay sheegeen in uu u soo dhigtay dameerahooda.

Dadkan dameeraha dhaqda oo ka soo jeeda ismaamulka lamu gaar ahaan deegaanada Matondoni, Kipungani, Tchundwa, Mokowe iyo jasiiradda Lamu oo ah meelaha aadka uu sameynta ugu yeeshay waraabaha ayaa waxaa ay ka cabanayaan shaqo laán soo food saartay kadib weerarka uu dameerahooda waraabaha ku hayo.

Xilli ay ku sugnaayeen gudaha ismaamulka Lamu ayay sheegeen in ay tahay wakhtigii ugu haboneyd oo ay ka hadlaan arrinkan islamarkaana soo bandhigaan cabashadooda si loo siiyo magdhow maadama aysan heysan lacag ay ku soo ibsadaa dameero kale.

Afhayeenka Dameeraleyda Lamu, Maarufu Kidege ayaa sheegay in ay cabashadooda u gudbiyeen laanta qaran ee addeegga duurjoogta (KWS) balse aysan jirin wax jawaab ah oo ilaa iyo haatan ay ka heleen.

Dameeraha ayaa ismaamulka Lamu aad looga qadariyaa waxaana ay qeyb ka yihiin hiddaha iyo dhaqanka dadka reer Lamu.

Sidokale, Dameeraha ayaa ah gaadiidka kaliya ee laga isticmaalo ismaamulka maadaama ay waddooyiinka yihiin dariqyo ciriiri ah islamarkaana uusan baabuur mari Karin.

Ismaamulka Lamu ayaa waxaa ku nool wax ka badan 5000 oo dameero ah islamarkaana magaalada gudaheeda kaliya waxaa jooga wax kor u dhaafaya 1000 dameer.

Labadii sano ee la soo dhaafay waxaa geeriyooday 200 oo dameero ah kuwaasi oo uu qaarna diley qaarna dhaawac uu gaarsiiyay waraabaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here