Iyada oo dhawaanahan ay dowladda il gooni ah ku haysay dhamaan shirkadaha khamaarka ee dalka oo lagu eedeeyay in aysan bixin lacagaha canshuurta ayaa waxaa markale isasoo taraya amarada iyo goáanada ay dowladda qaadeyso ee la xarriira isla arrinkan.

Waxaa haatan ay wasaaradda arrimaha gudaha sheegtay in dib loo masaafurin doono 17 agaasimayaal ajaaniib ah kuwaasi oo maamula shirkadaha khamaarka gudaha dalka.

Wasaaraddan ayaa dhawaan sheegtay in ay ku guul dareysteen bixinta canshuuraha islamarkaana ay da‎arta u horseedeen mustaqbal madow oo aan duani ogu jirin.

Dhanka kale shirkadahan ayaa lagala laabtay dhamaan sharciyada ay ku shaqeeyaan oo aysan dib u cusbooneynsiin maadama ay baal mareen nidaamka ay dowladdu u dajisay.

Habeenimadii xaley aheyd ayaa la sheegay in wasaaradda socdaalka ay dhoofisay qaar kamid ah agaasimayaasha shirkadahan wax yar uun kadib markii uu wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiangi uu qalinka ku duugay wareegtada lagu masaafurinayo.

Goáankan ayaa waxaa gaaray guddigab qaran ee latalinta arrimaha amaanka ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here