Marwo Fowzia Maxamed Sheekh oo ah Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa  Xafiiskeeda ku qaabbishay Wafdi ka socda hey’adda IOM iyo urur Goboleedka IGAD, Kulankan ayayna uga wada hadleen fulinta mashaariic lagu dhisayo xarumaha Wasaaradda.

Kulankan ayaa sidokale waxaa ay uga wada arrinsadeen hirgelinta mashaariic lagu dayactirayo xarumaha Wasaaradda Tamarta oo degaameysan doonta xaruntii hore ee Wakaalada Biyaha Xamar ee Degmada Wadajir.

Hey’adda socdaalka Aduunka ee IOM ayaa Wasaaradda u muujisay taageero dhanka  dhismaha xarunta sheybaarka Biyaha iyo goobo kale oo muhiim ah waxaana si gaar ah looga hadlay dhismaha xarunta Wasaaradda, kaas oo dhowaan billaaban doona sida uu qorshuhu yahay.

Dhaqaalaha mashaariicdan ayaa waxaa bixinaya Bankiga horumarinta Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD, iyadoo hay’adda socdaalka Aduunka ee IOM ay fulinta ka Gacan siinayso Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cismaan Libaax Ibraahim, qaar kamid ah Agaasimiyaasha Wasaaradda iyo saraakiil ka kala soctay hey’adda IOM iyo IGAD.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here