James Swan, Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa shaaca ka qaaday in  la doonayo in deegaannada gobolka Jubbaland ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah islamarkaana aan daba marin wakhtigii loo asteeyay.

M/w Jubbaland Axmed Madoobe iyo James Swan oo kulankoodu qabsoomay maalinkii shaley ahaa gudaha magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay isku raaceen inaan la soo faragalin doonin arrimaha doorashada Jubbaland, balse taas baddalkeedana loo baahan yahay inay qabsoonto doorasho xor oo xalaal ah, oo wakhtigeeda ku dhacda.

Kulankan Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, James Swan ee lagu gorfeeyay arrimaha doorashada ayaa imaanaya xilli Jubbaland ay dowladda Soomaaliya ku eeddeysay faragelin la xarriirta Arrimaha Doorashada iyo cabasho ay qabaan qaar ka mid ah musharixiinta madaxtinimo ee Jubbaland.

Facebook Comments