Madaxwaynihii hore ee Koonfur Africa Jacob Zuma yaa su’aalo la xiriira eedeymo musuqmaasuq la waydiin doonaa iyada oo telfishinda dalkaasi si toos ah looga daawanayo maanta iyo guud ahaan toddobadka oo dhan.

Madaxwaynihii hore ee Koonfur Afrika, Jacob Zuma, ayaa lala xisaabtamayaa iyadoo ay shacabku daawanayaan ,waxa uuna hortagi doonaa guddi baaritaan oo uu garsoore hogaaminayo.

Waxaa Zuma wax laga waydiin doonaa falal musuqmaasuq oo baahsan oo dhacay 9 sano ee uu awooda dalkaasi hayay.

Ka dib muddo bilooyiin ah oo marqaatiyada iyo su’aalo waydiinta laga baahinayay Telefishinada ayaa waxa saraakiil badan oo sarsare lala xiriiriyay falal musuqmaasuq.

Balse Mr Zuma ayaa ku qoslay eedeeymaha loo soo jeediyay waxuuna ku adkaystay in uusan wax dambi ah galin.

Zuma ayaa ku andacooday in uu yahay dhibane shirqool siyaasadeed loo maleegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here