Mareykanka ayaa billaabay olole lagu beegsanayo dadka magangalyo doonka ah ee sharci darrada ku jooga dalkaas

Ololahan ayaa laga billaabay dhamaan gobolada dalkaasi maalinnimadii axadda ee shalay.

Wax kor u dhaafaya  2,000 oo qof oo sharci darro ah ayaa ololahan lagu beegsanayaa kuwaasi oo la filayo in la masaafuriyo.

Matt Albence oo ah ku simaha madaxa hey’adda socdaalka iyo ilaalada xuduudaha ee maraykanka ayaa shaacay ka qaaday in ay bartilmameedsanayaan shaqsiyaad gaar ah oo maxkamadaha ku lahaa balamo la xiriira codsigooda magan galyo doon, kuwaasi oo dhinac laiskaga dhigey kiiskooda.

Matt Albence ayaanan wax faahfaahin ah ka bixin halka ay sida tooska ah uga bilaabeen howlgalkan lagu soo qab qabanayo dadka iyo sidoo kale tirada dadka ay soo qabteen ilaa intii uu bilowday.

Waxaa sare u kacday cabsida la soo daristay dadka soo galootiga ah ee ku nool gudaha dalka Mareykanka qaasatan magaalooyiinka waaweyn, kuwaasi oo ay askartu toos u galeyso xaafadaha ay ku noolyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here