Dhamaan ardayda wax ka barata dugsiga Moi Mbiruri ee ismaamulka Embu ayaa maalinki jimcaha fasax isbuc guryaha loogu direy kadib markii uu ka dilaacay xanuunka Hepatitis A.
Ardayda ayaa fasaxan la siiyay looga dan leeyahay in uusan ku fidin xanuunkan oo haatan soo rittay 10 arday ah kuwaasi o yaala isbitaalka si lola tacaalo xaaladdooda caafimaad.
Agaasimaha wasaaradda waxbarashada ee ismaamulka Embu James Kiriuki ayaa xaqiijiyay in waxbarashada dugsigan ay hakad gashay.
Waxaa uu sheegay in ardayda loo direy guryaha islamarkaana ay dib u soo laabtaan hal sibuc kadib.
Fasaxa ardayda ayaa imaanaya kadib boqasho ay wasaarada caafimaadka ku tagtay dugsiga si ay u soo qiimeyso xaaladda sida ay sheegtay Grace Muriithi oo ah sarkaal sare oo katirsan isla wasaaraddan.
Waxaa ay sheegtay in wasaaraddu ay baaritaano waddo waxa sababay xanuunkan in uu ka dillaaco dugsiga inta ay ardayda ku maqanyihin guryaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here