TSC oo ah guddiga adeegga macallimiinta ee dalka ayaa la filayaa in ay maalinka berrito oo isniin ku beegan ay maxkamadda ugudbiyaan dacwad racfaan ah oo uu uga soo horjeedo go’aan dhawaan soo baxay maxkammadda.
Dhawaan ayay aheyd markii maxkamadda shaqaalaha ay dhinac isaga dhigtay ku tallaaba qaadka xeerarka guddiga ee caddeynaya in macallinka oo la dallacsiiyo lagu saleynayo waxqabadkiisa.

Maxkamaddu ayaa Jimcihii soo saartay go’aankan oo ay ku farxen urrurada barayaasha dalka.
Mr. Wilson Sossion oo ah xoghayaha guud ee ururka KNUT ahna xildhibaan baarlamaanka si magacaabid ah ku soo galay  ayaa dhankiisa sheegay inay ku dadalayaan sidii loo dallacsiin lahaa macalimiin tro ahaa gaaraya 50,000.
Byram Ongaya oo ah garsoore  ayaa ururka qaran ee macallimiinta dalka KNUT iyo guddiga TSC ku amray inay isla meel dhigaan waxyaabo ay isku hayaan oo dhanka shaqada ah.
Nancy Macharia oo ah madaxa fulnta ee TSC ayaa kulan ay shaley guddoomisay laga soo saaray goáankan ku saleysan rracfaan qaadashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here