Madaxweynaha dalka ayaa digniin adag u diray dhamaan shiriikadaha ka ganacsada khamaarka ama baqti nasiibka.
Uhuru Kenyatta, M/w ayaa carrabka ku dhuftay in maamulka uu hoggaamiyo ee Jubilee uunan marnaba ka noqon doonin isbedellada lagu sameynayo shirkadaha khamaarka.
Mr. Kenyatta ayaa intaasi ku daray in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadayo shirkad kasta oo ka ganacsatada khamaarka haddii aynan bixin canshuurta laga doonayo.
Sido kale hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay inuunan meesha ka saari doonin go’aankii dowladdu ay ku xirtay nambarada lacagaha loogu diro 27 shirkadood ilaa inta laga cusbooneysiinayo leesimada ay ku shaqeyaan.
Dhawaan ayay ahayd markii dowladda dhexe ay soo saartay amar ah in shirkadaha khamaarka ay dhammaantood mar kale codsadaan in la siiyo leesimo hor leh oo ay uga ganacsan karaan gudaha dalka.
Madaxcweynaha ayaa arrinkan ka hadlay xilli uu shalay ku sugnaa ismaamulka Kirinyaga.
Warbixinada dowladda ayaa muujinaya in shanti sano ee ugu dambeysay dhaqaalaha soo galay shirkadaha khamaarka uu gaaray ugu yaraan 200 bilyan oo shilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here