Nin looga shakisanyahay in uu qeyb ka yahay argagixisada salkeedu yahay dalka Somaaliya ee Al-shabaab oo kujirey xabsiga tan iyo 2dii bishii tagtay ee June kadib markii loo soo qabtay in uu lug ku lahaa weerarii lagu qaaday baabuur ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dalka islamarkaana miino loogu aasay waddada gudaha ismaamulka Wajir.
Waxaa la sheegayaa in eedeysanahan oo lagu magacaabo Abdirashid Aden Cali uu kmaid ahaa shaqsiyaadkii dhulka ku aasay miinada ku qaraxday baabuurkan oo noociisa yahay Cabdi-bile.
Dhacdadan oo ka dhacday inta u dhaxeysa Gorof xaraar iyo Kanton 15kii june ayaa waxaa ku geeriyday tiro ciidanka AP-da halka kuwa qaarna la laýahay halka ay ku dambeeyeen.
Taliyaha cidanka ee ismaamulka Wajir ayaa u daabulay ciidamo hor leh xadka Kenya iyo Somaliya kadib weerarkan.
Bayaan ka soo baxay laanta qaran ee addeegga bileyska ayaa lagu sheegay in Adan la doonayo in uu wajaho cadaaladda.
Kadib xariga Adan, kooxaha nabad-didka ayaa weeraro kala duwan geysatay waxaana ay dadaal ku bixisay iyaga oo isku dayaya in ay carqaladeeyaan baaritaanada socda in ay soo daayaan eedeysanahan islamarkaana uu reerkiisa ka guurey xadka una gudbey dhanka Soomaaliya.
Laamaha amaanka ayaa shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan islamarkaana ay si wadajir ah xididada ugu siibaan kooxaha nabad-diidka ee weerarada ka fuliya xadka ay Kenya la wadaagto Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here