Waxaa Cabsi ay daris la noqotay dadka ku nool xaafadda ngara ee agaalada Nairobi kadib markii ay rag hubeysan ay rasaas ku fureen shacabka islamarkaana toogteen 3 ruux.
Raggan oo soo dhacay lacag gaareysa 140,000 oo shilinka dalka ah ayaa toogasho u geystay nin mootoley ah iyo laba rux oo kale.
Dableydan ayaa ku baxsaday mooto iyaga oo ukicitimay dhanka bartamaha magaalada basle bulshada o iskudaday in ay hor istaagaan gacantana ku dhigaan ayaa la kulmay rasaas ay ku fureen.
Dhaawacan ayaa la dhigey isbitaalka Kenyatta National Hosbital waxaana kamid ah nin laftiisu mootoley ah oo ay isku dayen in ay xoog ugaqaataan mootada islamarkaana iskacaabiyay ayna ka toogteen caloosha.
Nin la aamisanyahay in uu qeyb ka ahaa raggan burcadda ah ayaa lugta laga toogtay waxaana gabi ahaanba isbedelay jawiga halka ay wax ka dheceen.
Madaxa bileyska ee Nairobi, Philip Ndolo ayaa sheegay in lagu raad joogo burcaddan oo qaar kamid ah shacabka ay muuqaalo ka duubeen xilligi ay baxsadka ahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here