Aduma Owuor oo ah Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Nyakach ayaa manata oo jimco ah lagu wada inuu ka soo hormuuqdo maxkammadda kadib markii shalay ay gacanta ku dhigeen guddiga la dagaalanka musuqa ee EACC.
Xildhibaankan ayaa lagu eedeeyay inuu bixiyay lacag gaareysa 68 milyan oo shilinka dalka ah isaga oo maray waddo aan sharciga dalka waafaqsaneyn.
Ciidamada baaritaanka ee guddiga ayaa so qabtay ninkan xilli uu ku sugnaa hoteelka Kondele ee ismaamulka Kisumu.
Mr Owuor oo aatan xabsiga kujira ayaa su’aalo laga wydin doona dacwaddiisa waxaana uu wajihi doonaa saraakiisha guddiga xarunta ay ku leeyihiin ismaamulka Kisumu.
Xidhibaanka ayaa kadib su’aalaha, waxaa loo soo gudbin doonaa ismaamulka Nairobi halkaasi oo maxkammadda la soo taagi dono si uu u wajaho edeymaha lo heysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here