Afhayeenka baarlamaanka dalka ayaa ka so hor muuqday guddiga addeega baarlamaanka ee PSC isaga oo wax laga weydiinayo lacagta muranka dhalisay ee xildhibaanada adalka doonayaa taasi oo ay sheegeen in ay kirada guryaha iskaga bixinayaan.
Gudoomiyaha guddigan Mr Naomi Shabani iyo gudomiyayaal kale ayaa ku andacoonayaa in howlaha xildhibaanada ay tahay mid aad u adag islamarkaana eedeeyn ujeediyay guddiga gunnooyiinka iyo Mushaaraadka ee dalka oo ay sheegeen in ay ka soo horjeesteen rabitaankooda.
Gudoomiyaasha qeybta ka ahaa kulankan ayaa sheegay in xildhibaanada ay lamid yihiin shaqaale kasta ee dadweynaha.
Arrinkan ayaa marba marka ka dambeysa waxaa uu yeelanayay wajiyo kala cusub islamarkaana hadal heyntiisa ay sare u kacday guud ahaan dalka kadib markii madaxa cadaaladda ee dalka David Maraga uu soo magacaabay saddex garsoore oo kiiskan isku howli doonna.
Maraga ayaa soo magacaabay garsoorayaasha kala ah Pauline Nyamweya,Weldon Korir, John Mativo oo dhageysan doona kiiskan islamarkaana ay go’aan ka gaaraan.
Bishii aynu ka soo gudubnay ayaa maxkammadda waxaa ay guddiga addeega baarlamaanka ku amartay in ay dib u dhigto kiiskan inta laga dhageysan doono lagana gaari doono go’aan rasmi ah.
Marka laga soo tago rabitaanka xildhibaanada waxaa markale ay guddiga mushaaraadka ay u arkaan tani in ay culeys ku tahay dhamaan Kenyaanka.
Gudoomiyaha guddiga SRC ayaa waxaa uu xusay in haddii loo mel mariyo doonista xildhibaanada ay tahay in 1.1 bilyan oo shilinka dalka ah ay qaadanayaa xildhibaanada ayna tahay culeys aad u ballaaran oo soo wajaha muwaadiniinta Kenyanka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here