Mr Twalib Mbarak oo ah madaxa guddiga la dagaalanka masuqmaasuqa ee EACC ayaa shaacaka qaaday in waxda ay dib u soo ceelisay hanti gaareyso 2.7 bilyan oo shilinka dalka afartii bilood ee ugu dambeesay taas oo la la lunsaday.
Madaxa EACC oo la hadlay warbaahinta ayaa ku tilmaamay arintan inay tahay faa’iido weyn oo a taaban karo marka la eego shantii sano ee ugu dambeysey oo kaliya la soo celiyay hanti gaareysa 1 bilyan oo shilinka dalka ah.
Sida laga soo xigatay Twalib ayaa sidoo kale xusay in dib loogu celiyay goobo ay lahayeen jaamacadda Nairobi oo ka soo horjeeday xarunta yaya centre iyo sidoo kale dhul baaxadiisu gaareyso 140 hektar dhulkaas oo ay si gaar ah u lahayd ururka beeraha iyo xoolaha oo loo soo gaabiyo KALRO.
Mr Mbarak ayaa sii raaciyay hadalkiisa in guddiga uu dabagal dheeri ah ku sameynayo si looga hortago lunsashada hantida dadweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here