Kow iyo taban carruur ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku geeriyodeen gudaha isbitaalka weyn ee KNH isbuucii u dambeeyay waxaana looga shakisanyahay in ay u geeriyoodeen dawo ka hortagta jeermiska oo lagu sheegay Klebsiela sida u qoraayo wargeyska Nation.
Xaaladda ayaa waxaa dhanka kale rajo xumo ka muujiyay qalabka asaasiga ah ee carruurta oon laheyn.
Ila wareedyo ku sugan isbitaalka oo u warramay wargeyska kana gaabsaday in magacooda la sheego ayaa sheegay in carruurtan oo dhamaantood aan hal bil dhalaneyn ay u geeriyoodeen dawada ka hortagga jeermiska iyo dhibaatooyiin kale oo isbiirsaday oo ay ugu horreyso dayac iyo xaaladda aan wanaagsaneyn ee xarumaha bukaanada.
Waxaa la sheegay in carruurtan lagu siinaayay caanaha naaska qalab sababi karay dhibaato in ay gaarto ilmaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here