Baabuurleyda ayaay dantu ku qasabtay in ay ku qaataan habeenkooda waddada weyn ee Mombasa –Nairobi kadib zaxmad aan horey loo arag oo ka jirtay halka lagu magacaabo Tsavo

Zaxmaddan oo bilaabatay saacaddu marka ay aheyd 8 saac oo habeenimo ayaa ka dhalatay laba baabuur nooca xamuulka qaada ay shil galeen islamarkaana ay isku gudbeen gabi ahaanba waddada.

Madaxa ciidanka traafikada ee Mtito Andei Mr Nike Mbugua ayaa xaqiijiyay dhacdadan waxaana uu sheegay in aysan jirin cid ku dhaawacantay shilkan.

Traafikada ayaa sidokale dadaal dheer u gashay in ay fududeeyaan zaxmadda oo markii dambe guud ahaan la sooo afjaray subaxnimadii khamiista.

Xaaladda ayaa caadi ah haatan waxaa sidii caadi aheyd u socdaan baabuurta ukala goosha ismaamulada kala duwan ee dalka islamarkaana addeegsada waddada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here