Wakiilkii hore ee laga soo doorto tuulada Ongata Rongai ee ismaamulka Kijiado ayaa habeenimadii talaadada waxaa uu toogasho ku diley xaaskiisa islamarkaana laftiisa is toogtay.
Xaaaska geeriyootay ee waakiilka ayaa lagu magaacaabi jirey Florence Okwach.
Ciidamada bileyska ayaa sheegaya in laga yaabo in wakiilka iyo xaaskiisa ay kala dhaxeysay kala duwanaashiyo aragti maadama ay lafteeda katirsaneyd cidanka bileyska.
Dhacdada ayaa waxaa xaxiijiyay taliyaha ciidanka bileyska ee deegaanka waqooyiga Kijiado, Mr Joseph Mwika waxaana uu intaas ku daray in haatan ay gacanta ku hayaan bastooladda uu u addeegsaday dilka.
Waxaa uu sheegay in ciidamada bileyska ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo lagu ogaanayon waxa sababay dhacdadan islamarkaana la aamisanyahay in ay ku koobantahay arrimaha qoyska.
Qaar kamid ah dadka aadka u yaqiinay wakiilka ayaa sheegay in uu ahaa nin rajo wanaagsan ka leh siyaasadda islamarkaana u hanweynnaa kursiga baarlamaanka ayaann nasiibku u saamixin waxaana ay intaas ku dareen in uu qabay laba xaas balse waayahan dambe ay dhaqaale yari so wajahday.
Waxaa uu wakiilkan dib ugu soo laabtay magaalada Nairobi si uu u sameysto ganacsiyo kale maadaama uu ku guul dareystay iskudaygii doorashada.
Xildhibaanka deegaanka Shanyalu Mr. Justus ayaa dhacdadan ku sheegay mid murugadeeda wadata.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here