Inta la xaqiijiyay shan ruux ayaa ku geeriyootay 13 kalena dhaawac halis ah ayaa soo gaaray kadib markii uu shil galay baabuur nooca hoomeyda ah oo ay saarnaayeen.
Shilkan ayaa waxaa uun ka dhacay wadada wey ee Machakos Wote gaar ahaan halka lagu magacaabo Muumaandu habeenimadi arbacada.
Agaasimaha howlaha dagdagga ah ee ismaamulka Machakos Mr David Mwongela ayaa xaqiijiyay dhacdadan khasaaraha uu ka dhashay.
Waxaa la sheegay in hoomeyda ay lumisay kaantroolka islamarkaana ay dhowr jeer rogmatay kadib markii uu qarxay mid kamid taayarrada.
Agaasimaha ayaa sheegay in baabuurkan si xad dhaaf ah loo buuxiya islamarkaana si xowli ah lagu waday xilligii uu shilka dhacay oo aheyd 7.30 fiidnimo.
Ugu dambeyn, dadka dhaawacca uu soo gaaray ayaa ka geeyay isbitaalka heerka shanaad ee Machakos.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here