Sagaal ruux oo muhaajirin aha ayaa subixii arbacada ay ciidamada amaanka gacanta ku soo dhigeen.
Dadkan ayaa lagu qabtay wadada isku xirta Isiolo iyo Mooyaale ee bariga ismaamulka Sambur.
Taliyaha bileyska ee ismaamulka Sambur ayaa xaqiijiyay dhacdadan asaga oo sheegay in dadkan la soo qabtay ay kamid yihiin labo carruur ah.
Waxaa uu sheegay taliyaha in dadkan la soo qabtay ay ku sii jeedeen ismaamulka Nairobi ee caasimadda dalka.
Mr Karanaja ayaa intaas ku daray in dadkan oo u dhashay dalka Eritera aysan wadan wax sharci ah amaba dikumeenti ogolaanshiyo dal ku joog ah.
Waxaa intaa uu ku daray in ay soo qabteen ciidanka bileyska ee jidgooyada halka lagu magacaabo krish.
Edeeysanayaashan ayaa la hor keeni doonaa maxkammadda waxaana lagu so oogi doonaa dacwadda in ay dalka sharci darro ku joogeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here