Ciidama bileyska ayaa bilaabay howlgalka ay ku baadi goobayaan haweenay looga shakisanyahay in uu sumeeysay carruurta qoyska uu u shaqeynayay iyo waliba mid ay dhashay addeegto guriga joogtay xaafadda Oruba.

Waxaa la sheegaya in uu hal cunug geeriyooda halka laba kale iyo addeegtada dhawaan ku soo biirtay qoyska lala tacaalayo caafimaadkooda gudaha isbitaalka St Joseph Ombo Mission

Ms Bertha Oluoch oo ah macalimad wax ka barta dugsiga hoose ee Migori ayaa sheegtay in carruurteeda ay ka tagtay iyaga oo wanaagsan islamarkaana ay ku soo laabatay iyaga oo uurka ka xanuunsanaya islamarkaana si aad ah u matagaya.

Ms Oluoch ayaa sheegtay in shaqaalaheeda ay alaabteeda aruursatay islamarkaana ay iskaga tagtay guriga xilli ay bogtay casho karinta ayna oga shakisantahay in ay cunada ay sun ku dartay.

Sida ay sheegtay hooyadan, carruurteeda dhamaan cunada waa ay cuneen marka laga reebo kuwa waweyn oo iyaga dariska cayaar u aaday.

Ms Linda Endweka oo ah addeegtada cusub ee ku soo biirtay qooyska iyo laba carruur ah oo isbitaalka la jiifiyay ayaa sheegtay in ay kadib cashada iyada iyo cunugeeda sarriirta galeen balse mar dambe oo ay isku dayday in ay toosiso ay la kulantay meydkiisa.

Waxaa la aaminsanyahay in salka ay ku heyso lacago u haray oo aan la siin.

Mr Collins Mwanga oo ah dhaqtar ku sugan isbitaalka ayaa sheegay in bukaanada laga helay jirkoda inyar oo sun ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here