Muddo laaga joogo isbuuc, dadka deegaanka Mutube ee ismamulka Tharaka-Nithi ayaa baadi goob oogu jira meydka dhaqtar la aamisanyahay in uusan nooleyn.
Dadka deegaanka ayaa ninkan la la’yahay ka raadinaya keymaha iyo beeraha caleenta shaahaha iyaga oo aamisan in la diley meydkiisana lagu tuurey halkan amaba lagu duugey keymahan.
Dhaqtarkan oo ku takhasusay daweynta xoolaha ayaa dad ugu war dambaysay 25kii bishii tagtay ee june sanadkan 2019ka.
Ninkan oo da’diisu tahay 69 sano ayaa waxaa soo wacay ruux uusan garaneyn saacaddu marka ay ahyed abaare 7:30 fiidnimo islamarkaana u sheegay in looga baahanyahay meel ku taala nawaaxiga magaalada si uu u soo daweeyo neef sac ah balse markii uu tagay goobta ayaa loo sheegay in aan looga baahneyn goobta uu tagay islamarkaana aysan jirin cid u wacatay.
Dhaqtarka ayaa dib u soo laabtay balse sida la sheegay ma uusan soo gaarin gurigiisa waana la garan la’yahay halka uu jaan iyo cirib dhigey.
Mr Jmaes Mutembei oo ah ninka maqan ayaa subixii aan lagu arag gurigiisa waxaana ay dariskiisa iska dhaadhiciyeen in uu howlo kale u kalahay balse arinku wa uu ka duwanaa sidaas.
Wararka ayaa intaa ku darayaan in dariskiisa ay mar dambe shiir ay ka dareemeen gurigiisa ayna jabiyeen balse ay ka heleen cad hilib ah ayna arrinkan u gudbiyeen saldhigga ciidamada bileyska ee Chuka.
Dadkan oo aad u careysan ayaa ku eedeeyay bileyska in ay ka gaabiyeen baaritaanka kiiskan waxaana ay sheegeen in aysan jirin cid loo soo xirey dhacdadan ilaa iyo hadda.
Ciidamada bileyska ayaa tix raac ku sameeyay telefoonka laga soo wacay dhaqtarka balse aysan wax su’aalo ah weydiin ilaa markii la soo qabtay.
Mr John oo ah nin degen halka ay wax ka dheceen ayaa sheegay in ciidanka bileyska ay ka gaabiyeen kaalintooda asaga oo intaas ku daray in tani aysan aheyn dhacdadii oogu horreysay oo noocada ah isaga oo xusay in afartii sano ee la soo dhaafay ay jireen kiisas la mid ah kuwan.
Mar uu la hadlay taliyaha ciidanka bileyska warbaahinta ayuu sheegay in baaritaanada ay socdaan isaga oo ugu baaqay dadka deegaanka in ay muujiyaan Samir iyo dul qaad ayna ku dadaalaan xasillonida.
Dhanka kale waxaa uu ku booriyay dadka deegaanka in ay la shaqeeyaan ciidamada ayna ku soo war galiyaan wararka la xarriira kiiskan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here