Denis Itumbi oo katirsan xubnaha saxaafadda ee madaxtooyada dalka oo saaka la soo taagay maxkammadda islamarkaana lagu waday in xukunka dambiga lagu eedeeyay lagu rido ayaa lagu siidaayay lacag gaareysa 100,000 oo shilinka dalka ah.
Ninkan ayaa lagu eedeeyay in uu qeyb ka ahaa qorshaha shirqool ee M/kuxigeenka dalka Ruto oo dhawaanahan hadal heyntiisa ay qabsatay warbaahinta isaga oo ku andacooday in xubno ka tirsan golaha wasiirada ay qorsheynayeen dilkiisa.
Denis Itumbi ayaa lagu soo dacweeyay in uu qeyb ka ahaa warqad qorshaha lagu dilayo ku xigeenka dalka.
Arribntan ayaa marba marka ka dambeysa yeelanaysay waji hor leh iyada oo qaar kamid ah hoggaamiyaasha dalka ay eedda u jeediyeen Ruto halka kuwa qaarna ay sheegeen in aan si fudud looga hari donin cidda ka dambeysa qorshan guud ahaan.
Ila wareedyo bileyska ah ayaa sheegay in Itumbi lagu waday in galabtii shalay aheyd la xukummo hasayeeshee uu kiiskiisa culusyahay maadama lagu soo eedeeyay in uu qeyb ka yahay dhibaatada lala damacsanyahay Ruto oo ah ku xigeenka dalka ayna tahay qayaano qaran.
Sikastaba hanoqotee, Waaxda dambi baarista ee dalka ayaa maalinkii shaley niskiii dambe waxaa ay su’aalo weydiinayeen Itumbi iyada oo uu la socdo qareenkiisa Moses Chelanga.
Ciidamada dambi baarista oo aaminsan in ay heystaan warbixin ku filan oo ay dacwad kaga gudbin karaan Denis Itumbi ayaa haddana waxaa ay su’aalo weydiinayeen Ninkan si ay u ogaadaan in cadeymaha ay ka hayaan iyo waxa uu sheegayo ay iska waafaqaan ka hor inta aysan go’aan ka gaarin kiiskiisa.
Qareenka eedeysanaha ayaa sheegay in ilaa haatan aysan jirin dambi dheeri ah oo lagu soo oogay islamarkaan haddii wax jiraan uu shaaca ka qaadi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here