Ismaamulka Nairobi ayaa waxaa ka dhacday dhacdo aad u xanuun badan kadib markii ay haweeney mar qudh ah wada dishey ninkeeda iyo laba carruur ah oo iyaga ay dhaleen ugu dambeynna ay isdishay.
Dhacdadan ayaa ka dhacday xaafadda Thome 5 maalinnimadii shaley aheyd sida ay xaqiijiyeen ciidamada bileyska.
Peter Kimani oo ah taliyaha saldhigga deegaanka Kasarani ayaa sheegay in haweenaydan y isticmaashay shey aan af laheyn ayna ku qoor goysay Ninkeeda ka hor inta aysan u gudbin carruurteeda oo sanad iyo laba sano kala jirey.
Mr Kimani ayaa arrinkan ku micneeyay rabshad qoys.
Waxaa uu intaas ku daray in markii ay xaqiiqsatay mushaakilka yaala ayay iyaduna ay isciijisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here