Raisul wasaaraha dowladda Itoobiya ayaa sheegay in uu u kala direy xubno dowladdiisa katirsan dowladaha Somaaliya iyo Kenya kuwaasi oo labada dhinac’ba kala hadli doona xaaladaha badda iyo xallinta khilaafka ku saleysan.
Dowladaha ayaa dhawaanahan’ba isku haystay badda waxaana dacwaddooda ay Soomaaliya u gudbisay maxkamdda caalamiga ee ICJ inkastoo go’aankaas uu la qaldanyahay Kenya oo u aragta in wax waliba wadahallo lagu dhameysan karo.
Mareykanka ayaa dhawaan soo jeediyay in khilaafkan lagu dhameeyo wadahadallo balse Kenya ayaa markale dhankeeda sheegtay in xittaa haddii kiiskan aan maxkammadda laga soo celin ay haysato cadeymo ku filan ayna hor keeni doonaan maxkammadda.
Soomaaliyaa ayaa dhawaan beenisay warar sheegayo in 13 july oo waxyar inoo harsantahay uu kulan dhex mar doono Uhuru iyo dhiggiisa Soomaliya hasayeeshee waxaa markale wararka ka soo baxxayaan dalka Itoobiya lagu sheegayaa in Abiy Axmed uu kulmin doono labadan mas’uul isla 13ka bishan inkastoo ay ku xirantahay qorshahooda xilliga rasmiga ee uu dhacaayo kulankan.
Xiisadda ka dhalatay arrintan ayaa sii korortay xilli maxkammadda ay dib u dhigtay wakhtiga rasmiga ee ay go’aanka ka gaareyso oo ah 9ka bisha september isla sanadkan.
Dacwaddan ayaa dowladda Soomaaliya ay u gudbisay maxkammadda caalamiga ee ICJ sanaddii 2014kii inkastoo ay u muuqato in ay ku fududaatay talaabadaas sida ay qabaan dowladaha qaar.
Abiy ayaa sheegay in khilaafka hareeyay labada dhinac uu saameyn ku yeelan karo xirriirka diblumaasi ee labada wadan islamarkaana ay carqalad ku tahay horumarka iyo xirriirika geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here