Maxaad sameyn laheyd hadii inta iridka lagugu soo garaaco kadibna marka aad furto aad lakulanto yaxaas nool, waxaa dhici karta in aadan qaadin karin balse tani waa mid walaac ku abuurtay qaar kamid ah bulshada ku nool tuulada Posh ee ismaamulka Mombasa kadib tiro yaxaas ah oo gudaha u soo galay xaafaddan.
Maalinti isniinta abaare 4 subaxnimo, Mr Martin Ngoa oo ah waardiye xarunta Beach Road ee katirsan Nyali ayaa maqlay garaacca iridda waxaana sida uu sheegay marka uu furey ardaaga uu la kulmay yaxaas soo eegaya.
Arrintan ayaa soo taagneyd labadii isbuuc ee la soo dhaafay waxaana uu yaxaaskan ka soo baxsaday tuulada Mamba.
Waxaa la sheegay in milkiilaha yaxaaskan weerarka ah uu yahay xildhibaankii hore ee deegaanka Nyali, Mr Hezron Awiti.
Mr Francis Katana oo ah shaqsiyaadka ka hortaga halista ayaa sheegay saddexdi maalmod ee ugu dambeysay lagu arkay tuulada.
Ninkan ayaa sheegay in muuqala uu ka duubay islamarkaana dadka tuulada ay isku dayeen in ay la xarriiraan Saraakiisha ciidamada balse ay haatan qaadatay muddo in ay ka soo jawaabaan.
Hindiya Ali oo ilaa iyo 2015kii deganeyd halkan ayaa walaac ka muuisay iyada oo sheegtay in ay carruurteeda u baqeyso.
Agaasimaha KWS ayaa dhankiisa sheegay mar wax laga weydiiyay arrinkan in sida habboon ee lagu xakammeyn karo ay kala tashanayaan Mr Awiti.
Awiti ayaa dhankiisa sheegay in 30kii sano ee la soo dhaafay uu maamulaayay xarunta islamarkaana aysan wax dhib ah jirin balse haatan oo uu dib u habeyn ku sameeyay xarunta ay ka baxsadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here