Waxaa maalintii shanaad galay shaqa joojinta ay ku guda jiraan dhaqaatiirta caafimaadka ee ismaamulka Mandera.
Shaqaalaha caafimaadka ayaa ku dhaqaaqay shaqa joojinta khamiistii aynu ka soo gudubney xilli ay ku andacoonayaan in dowladda ismaamulka hoose ee Mandra ay ka baxday heshiiskii gorgortanka ahaa ee la saxiixay 2017ki.
Waxaa ay kacabanayaan xaalado adag oo ay ku howl galayaan, in aan dalacsiin ka jirin islamarkaana laga hos istaagay in ay waxbarasho dheeri ah doontaan.
Gudiga ay ku mideysanyihiin ayaa laba isbuuc ka hor ka soo saaray war gelin ah in ay shaqa joojin ku dhaqaaqi doonan hasayeeshee dowladda ismaamulka hoose ee Mandera ayaan wax jawaab ah ka bixin.
Wasiirka Caafimaadka ee ismaamulka Mandera ayaa ka qowmameeyay shaqa joojinta ay ku dhaqaaqeen shaqaalaha caafimaadka maadama sida uu sheegay ay xitaa ka mushaar badanyihiin dhaqaatiirta ismaamulada kale.
Waxaa uu sheegay in dowladdiisa ay ka soo baxday qaar kamid ah heshiisyadii lakala saxiixday islamarkaana kutilmaamay shaqajoojintan mid sharciga baal marsan.
Waxaa dhici karta in xaaladda ay sii xumaato madaamada ay shaqaalaha kale ee haatan ku guda jira shaqadooda ay qorsheynayaan in ay ku qalabka dhigaan kuna biiraan saxiibadooda hadii ay dowladdu ku gul dareysato wax ka qabashada tabashada dhaqaatiirta.
Sikastaba, Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu diyaar u tahay wadahadal labada dhinac ah si aan loo carqaladeyn addeega caafimaadka ee ismaamulka Mandera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here