Gudoomiyaha ismaamulka Kirinyaga, Ann Waiguru ayaa shaqada ka ceyrisay dhamaan shaqaalaha caafimaadka oo dhawaanahanba shaqa joojin ku guda jire taasi oo guud ahaan saameyn ku yeelatay habsami u socodka howlaha caafimaadka.

Arrintan ayaa imaaneysa iyada oo dhawaan ay saddex ka tirsan golaha baarlamaanka ee ismaamulka Kirinyaga ay ku war galiyeen Ms Ann Waiguru in ay xilka iska casisho haddii ay ka dhaga adeygtana ay awood adeygsan doonaan.

Bayaan ka soo baxay xafiiska Waiguru ayay ku sheegtay in ay shaqaalahan ku guul dareysteen dib ugu laabashada shaqadooda xitaa hadii ay maxkammadda ku tilmaamtay mid sharci darro ah.
Waxaa ay ugu baaqday dhamaan shaqaalahan shaqada laga tirey in ay u raadsadaan warqadda shaqa joojinta xarumaha ay ka howlgalayeen.
Waxaa ay xaqiijisay in dowladda ismaamulka hoose ee Kirinyaga ay haatanba buuxisay boosaska ay shaqaalahan banneeyeen islamarkaana ay si toos ah uga howl gali doonaan xarumaha kala duwan ee ismaamulka.
Waxaa ay sheegtay in cid kasta oo maanta soo xaadiri waysa shaqada ay sida ugu dhaqsiyaha badan u raadsadaan warqaddooda shaqa joojinta.
Waxaa ay sheegtay in dastuurka dalka uu siinayo xaqqa cid kasta caafimaad wanaagsan islamarkaana ay muhiimadda koowaad siineyso waliba aynan carqalad noqon shaqsiyaad doonaya in ka macaashaan amaba la siyaasadeeyo.
Shaqaalaha caafimaadka ayaa bishii june ugudbiyay kiiskooda maxkamamadda iyaga oo ku andacooday in ay xaalado adag ku howl galaan waxaana ay dhanka kale sheegeen in dowladda ismaamulka hoose ay ka gaabisay in ay dhaqaatiirta siiso lacagaha yaryar ee 10ki billooed ee la soo dhaafay isku aruuray.
Shaqaalahan ayaa ka dhaga adeygay in ay dib ugu laabtaan shaqada iyada oo maxkammadda ay go’aamisay in sharci darro tahay shaqa joojinta ay ku guda jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here