Hoggaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamaanka dalka ahna xildhibaanka laga soo doorto bartamaha ismaamulka Garissa ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashada laga doonayo in ay guddi baaritaan oo qaas ah si loo ogaado sababta keentay in natiijada waxbarashada ee gobolka waqooyi bari ay mar walba hoos u dhac laga soo tabiyo.
Qiimeyn laga sameeyay ismaamulka Garissa ayaa tilmaameysaa laga soo bilaabo 2016kii ilaa iyo 2018kii in 189 arday ah kali ay fursad u heleen in ay ku biiraan jaamacadaha dalka.
Waxaa ay caddaatay in labadii sano ee lasoo dhaafay uusan jirin arday keenay calaamadda A oo ah halka ugu sarreysa waxaana la sheegay in laba arday ah kaliya ay guusha ku raacday calaamadda A- halka toban kalena ay heleen B+ sidokalena ardayda heshay calaamadda B plain ay ahaayeen 26 kaliya.
Waxaa sidokale la xusay in 1,200 oo arday ah ay heleen calaamadda D-.
Ducale ayaa sheegay in hadii uu wasiirka waxbarashada ku guul dareysto sameynta guddigan uu amray uu doodan geyn doono baarlamaanka islamarkaana la soo xuli doono guddi baarlamaani ah oo dib u eegis ku sameyn doono arrinkan.
Ismaamulada Garissa, Wajir iyo Mandera ayaa hoos u dhac aad u weyn laga soo tabiya xilliyada ay nitaajooyiinka imtixaanada qaran soo baxaan waxaana atni ay niyad jab ku keentaa dhamaan ardayda iyo waalidiinta islamarkaana mugdoi galisaa mustaqbalkooda.
Inkastoo la aaminsanyahay in hoos u dhacca natiijada imtixaanka ay keentay amni darrada ka jirta gobolka taasi oo sabab u noqotay in macalimiinta badankooda ka soo huleelaan ayaan haddana waxaa taasi ay u muqataa in aysan aheyn xaqiiqada meesha taala.
Macalimiinta aan u dhalan deegaanka ayaa bartilmaameed u noqday ururka nabad-diidka ee fadhigoodu yahay dalka Somaaliya.
Mudanaha ayaa sheegay in mas’uuliyiinta ay xoogga saaraan waxbarashada iyo horumarinta dhismayaasha iskoolada iyo bixinta lacagaha laga qaado ardayda islamarkaana ay ka damqanhayaan hoos u dhacca natiijada.
Waxaa sidokale uu soo hadal qaaday kiisas tiro badan oo salka ku haya imtixaanno la qaadacay.
Ugu dambeyn Aden Bare ayaa ku booriyay waalidiinta in ay daba gal ku sameeyaan ardaydooda islamarkaana la socdaan xaaladooda waxbarasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here