Gudoomiyaha ismaamulka Taita Taveta ayaa wajaha su’aalo adag xilli uu ka soo hor muuqday xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista ee dalka DCI waxaana ay su’aalahan salka ku hayaan colaadda raagtay ee u dhaxeysa dadka deegaanka iyo xoolo dhaqatada.
Waxaa sidokale ku wehliya Senetar Jones Mwaura, wakiilka haweenka Lydia Haika iyo xildhibaanka deegaanka Mwatete Andrew Mwandime.
Dhanka kale, 7 katirsan golaha ismaamulka hoose ee Taita Taveta ayaa su’aalo lagu weydiinayaa Saldhigga bileyska ee Voi.
Waaxda dambi baarista ayaa baaritaano ku wadaa eedeymo la xarrira hadallo naceyb iyo kala geys aburi kara oo sababy in ay khalalaaso ay ka abuurmaan deegaanka Sagalla bishii june iyada oo halkaasi uu dagaal ku dhex maray xoolo dhaqaato iyo dadka deegaanka ugu dambeyna ay keentay geerida odeyt 35 jir ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here