Sida laga soo xigtay bogga waaxda dambi baarista ay ku leedahay Facebook,Ciidanka amaanka ayaa  soo helay hub noocyo kala duwan ka kooban islamarkaana nin looga shakisanyahay qalabkan laga soo qabtay agagaarka Obama ee xaafadda Kayole, magaalada Nairobi.
Ciidanka ayaa ku guuleystay in ay soo qabtaan ninka islamarkaana ay soo helaan qalabkan kadib ilo warreedyo bulshada dhexdeeda ah.
Guriga ninkan ayaa laga soo helay qasnadda qoriga nooca G3’ga oo ay ku jiraan labaatan duub oo mirro ah, Kabaha Militiriga, Dharka ciidanka keymaha ee oo isku jooga ah, Shandadda Qasnadda, miraha howlgalka qaaska ah iyo qalab kaloo dheeri ah.
Ninkan ayaa haatan ciidanka gacanta ugu jiraa waxaana socda baaritaano lagu ogaanayo waxa uu yahay iyo halka uu ka keenay qalabkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here