Nin wariye ah ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan kadib markii ay dhibaateeyeen waardiyayaal ku sugnaa warshad si gaar ah loo leeyahay oo soo saarta caleenta shaaha gudaha ismaamulka Bomet wax yar un kadib markii ay qaar kamid ah bulshada banaanbax sameeyeen.
Mr Weldon Kirui oo ah wariye katirsan raadiyaha Taach Fm ayaa waxaa weerar ku aaday waardiyeyaal ku sugnaa warshada iyada oo wariyayaal tiro badan ay ku sugnaayeen goobta xilli ay doonayeen in ay gudaha u galaan xarunta si ay maamulka wax uga weydiiyaan cabashada dadweynaha ay ka wadaan qashinka warshadda lagu eedeynayo in ay ku shubto laba wabi oo ku yaala halkaasi.
Afaafka hore ee warshadda Kipsigis Highland Tea Factory oo dhawaan la daah furey oo ay ku sugnaayeen saddex waardiye oo ka amar qaata nin xarunta gudaha ugu jirey ayaa dhibaatada u geystay wariyaha waxaana ay ugu goodiyeen in ay qalabka kala wareegi doonaan islamarkaana aysan marnaba ogollaan doonin in gudaha loo galo xaruntan.
Saddexdan waardiye ayaa ugu dambeyn weerar ku soo qaaday wariyayaasha waxaana ay dhibaateeyeen wariyahan oo dhabanka ay waxyeelo ka gaarsiiyeen.
Waardiyayaasha ayaa dib ugu laabtay xarunta iyaga oo aflagaado iyo ereyo anshaxa ka baxsan u addeegsaday wariyayaasha islamarkaana ugu goodiyay in ay waxyeelo dheeraad ah kala kulmi doonaan haddii ay iskaga bixi waayaan goobtan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here