Qaraxaan oo jugtiisa inta badan laga maqlay degmooyinka Gobolkan Banaadir ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Digfeer ee degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa gaari Surf Madow ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,isla markaana Ciidamada Ammaanka ay ka shakiyeen dhowr xabadoodna lagu riday sidaasina uu ku qarxay.
Weli macadda khasaaraha ka dhashay qaraxaas,waxana halka uu yaallay gaariga qarxay xiray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya,kuwaas oo dadka u diidayay inay ka ag dhawaadaan halka uu yaallay gaariga qaraxa siday.
Ciidanka ayaa sheegay in aysan cidna ku wax yeeloobin marka laga reebo xarumo ganacsi oo uu soo gaaray burbur xoggan.
Dhanka kale wararka ayaa sheegaya in israsaaseyn ku dhex martay ciidanka dowladda iyo kooxaha nabad diidka bartamaha Seybiyaano islamarkaana laba dhinacba iyo shacabka waxaa soo gaaray khasaare inkastoon la soo sheegin khasaraha rasmiga ah.
Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa Maanta ka duwaneyd maalmihii la soo dhaafay oo amniga Magaalada uu ahaa mid wanaagsan,waxaana weerarka lagu qaaday koontoroolka ciidamada Dowladda ee seybiyaano mas’uuliyidiisa sheegtay Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here