Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu Magacaabay Hanti-dhowraha Guud iyo Agaasimayaasha Bangiga iyo Wasaaradda Maaliyadda Puntland , kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulkaas.
M/w Deni Isaga oo tixgalinayo bahida loo qabo Horumarinta Hanaanka Maamul ee
Maaliyadda iyo Isla xisaabtanka Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa Cabdirisaaq Cumar Faarax loo magacaabay Guddoomiyaha Hanti-dhowrka Guud ee Dowladda Puntland
2. Waxaa Maxamed Faarax Maxamuud loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Bangiga Dowladda Puntland
3. Waxaa Cabdirisaaq Maxamed Xasan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Maxjarka
4. Waxaa Faysal Cabdullaahi Warsame loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.
5. Waxaa Cumar Saalax Aadan loo magaacabay Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland
6. Waxaa Keenadiid Cali Jaamac loo magacaabay Agaasime Kuxigeenka Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda
7. Waxaa Abshir Maxamed Abshir loo magacaabay Agaasime Kuxigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda
Xeerkani ayaa haatan toos u dhaqangelayaa iyada oo Madaxweynuhu Saxiixay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here