Gudoomiyaha ismamulka Naiorbi, mike Mbuvi Sonko ayaa u xaqiijiyay dadka deegaankiisa in uu xal waara u keenayo biyo yaridda ka jirta ismaamulka Nairobi gaara ahaan deegaanada laga soo tabinayo biyo la’aanta.
Mar uu ka hadlay mashruuca nadaafadda ee xaafadda Utawala, Gudoomiyaha ayaa sheegay in Bangiga adduunka iyo kan mashaarcida ee qaaradda Africa ee AFDB ay qeyb ka qaadanayaan sidii meehsa looga saari lahaa biyo yarida ka jirta magaalada Nairobi.
Waxaa uu sidokale sheegay in dowladda ismaamulka Nairobi ay u qorsheysay lacag gaareysa 2.7 bilyan oo shilinka dalka ah sanad-miisaaniyeedkan.
Dhanka kale ciidamada xooga dalka ayaa kala qeyb qaadanaya Sonko ololaha nadaafadda Nairobi waxaana ilaa iyo haatan isasoo bixiyay 500 oo ciidanka xoogga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here