Laba rag ah oo katirsan waaxda addega qaran ee dhalinyarada ayaa maalinnimadii jimcaha lagu soo eedeeyay in ay dil u geysteen dil laba ruux oo shaqaale ka ahaa Keynta Lambwe ee koonfurta Suba, ismaamulka Homa Bay.
Mr Micheal Adhemba iyo Mr Albert Kipchirchir aya wajahaya dacwadda maxkammad sare balse way iska fogeynayaan kiiskan.
Raggan ayaa lagu soo eedeeyay in ay dil u geysteen Mr Hesbon Nyamweya iyo Mr Geoffrey Ochoki 28dii bishii April ee sanadkan gudaha xarunta horumatinta ee Lambwe.
Maxkammadda ayaa ogaatay in raggan ay isticmaaleen hub khatar ah xilligii ay dilka geysanayeen.
Baaritaanka ayaa lagu sameyn doonaa isbitaalka guud ee Homa Bay waxaana ay ku sii jiri doonan xabsiga inta laga dhameystirayo baaritaanada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here