Afar ruux ayuu soo gaaray dhaawac halis ah kadib markii ay doonidi wateen isku dheceen midkale gudaha ismaamulka Lamu.
Afartan ruux oo katirsaneyd 10 ruux oo la socday doonida ayaa waxay ka soo raaceen Makowe iyaga oo ku sii jeeday jasiiradda Lamu.
Doonidan ayay isku dheceen dooni kale oo uu kaliya ku jirey wadaheeda islamarkaana u socotay in ay raadsato shidaal meel u jirtaa wax yar.
Waxaa ay qaar kamid ah dad goobjoogayaal ah sheegeen in doonida ay si xowli ah ku socotay.
Dhaawaca ayaa loola carraray isbitaalka guud ee King Fahad.
Gudoomiyaha iskaashatada doomaha ee ismaamulka Lamu, Mr. Hassan Awah ayaa sheegay in ay farxad u tahay maadama aysan jirin cid ku geeriyootay waxaana uu dhanka kale ku booriyay dadka in aysan khatar galin nafta rakaabka ayna si sharciga biyaha waafaqsan u kaxeeyaan doomaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here