Madaxweynaha iyo shacabka Kenyanka ah ayaa la xanuunsaday geerida ku timid qareen marna ganasade caan ah, Mr Karanja Kibage oo habeenkii xalay ahaa shil ku galay xaafadda Kareen ee gudaha magaaladan Naiorbi.
Sida ay sheegayaan eheladiisa iyo asxaabtiisa ka ag dhow, Qareenka ayaa watay baabuurkiisa markaas oo uu kaantroolka lumiyay ugu dambeyntiina ku geeriyooday isbtaalka inyar kadib.
Madaxweynaha dalka oo safar ugu maqan dalka Tanzania ayaa ka tacsiyeeyay geeridan qareenka waxaa uuna sheegay in Kenyanka uu ka baxay nin waxtar u lahaa gaar ahaan qeybta ceymiska.
Mr Kabage ayaa ahaa nin caan ah islamarkaana ku takhasusay arrimaha Ceymiska isaga oo agaasime ka soo noqday shirkadaha African Reinsurance Corporation iyo First Reinsurance Brokers Limited.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here