Iyada oon xitaa go’aan laga gaarin rabitaanka xildhibaanada dalka ee kirada guryaha ay daganyihiin, waxaa ay markale isasoo taraya rabitaankooda waxaana haatana ay doonayaan in 96 kun oo shilinka dalka isbuuci loo ogolaado xilliyada ay safarada ku joogaan Nairobi islamarkaana ay ka qeyb galayaan doodaha aqalka baarlamaanka.
Waxaa ay sheegeen in ay doonayaan in loo ogolaado inta u dhaxeysa 18,200 ilaa iyo 24,000 kun oo shilinka habeenkiiba xilliyada ay caasimadda u joogaan in ay ka qeyb galaan fadhiyada baarlamaanka.
Rabitaankan ayaan aheyn kaliya mid ku kooban xildhibaanada dalka balse waxaa sidoakale doonaya isla dalabkan senetarada dalka.
Kulamada baarlamaanka oo la qabto afar jeer isbuuci ayaa waxaa ay ka dhigeysaa lacagtan 96 kun oo shilinka dalka ah islamarkaana ay noqoneyso bishii 384,000 oo shilinka dalka ah sidaas oo ay tahayna dhamaantood ayaa ku leh daaro gudaha magaaladani Nairobi.
Waxaa u sii dheer lacagtan ay doonayaan, labada maalin ay uu baarlamaanka xiranyahay oo ay qaadanayaan lacago dheeri ah iyada oo lagu qiimeynayo deegaanka xildhibaanka laga soo doorto iyo inta ay isku jiraan caasimadda dalka.
Guddiga Musharaadka ayaa dhawaan maxkammadda u gudbiyay kiiska dalab uga yimid xildhibaanada oo ah in loo ogolaado 250 kun oo kirada guriga ay daganyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here