Cutubyo ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa howl-gallo ka bilaabay degaanka beerxaani oo magaalada Kismaayokaga beegan dhanka galbeed qiyaastii  50KM .

Mudane Khaalid Sheekh Cabdullaahi  waa taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda dowlad goboleedka Jubbaland oo goob faagaara ah kala hadlay shacabka deegaanka Beerxaani ayaa sheegay in ciidankani yihiin ciidanka Jubbaland ayna halkaan u yimaadeen ilaalinta nabad galyada shacabka,islamarkaana ay doonayaan in Al-Shabaab laga saaro degaanada hoos yimaada Beerxaani.

Waxaa uu sidokale sheegay in Al-Shabaab ay ka baxeen degaano dhowr ah ka hor inta aysan soo gaarin Ciidanka Hay’addaha Ammaanka maamulka Jubbaland.

Ahmed Madoobe, M/w D/G Jubaland ayaa maalin  ka hor sheegay in ay bilaaban doonaan howlgallo xooggan oo lagula dagaallamaayo Al-Shabaab oo uu sheegay in ay dhibaato ku hayaan Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here