Kadib amar uu shaley bixiyay Iskuduwaha guud ee bileyska kaas oo ah in gudoomiyaasha amaanka ee gobolada dalka ay xabsiga soo dhigaan cid kasta oo watada hubka aan la turxaan bixin islamarkaana laga qaado qoryaha ay wataan ayaa waxaa ila iyo haatan la soo qabtay laba barasaab iyo xildhibaan.
Mutyambai oo ah taliyaha guud ee ee ciidanka bileyska ee dalka ayaa amar ku bixiyay in gudaha la soo dhigo 4293 ruux oo wata hubka nooca buntuqqa islamarkaana aan marin wax turxaan bixin ah.
Shaqsiyaadkan ayuu sheegay in ay yihiin khatar maadama ay ku guul dareysteen in ay turxaan bixin ku sameeyaan hubka ay sitaan.
Wararka qaar oon la xaqiijin ayaa sheegaya in liiska shaqsiyaadka lo gudbiyay taliyaasha gobolada ay yihiin ganacsato waaweyn, Qareenno iyo qaar kamid ah bulshada oo intooda badan horey si aan sharciga waafaqsaneyn u isticmaalay qoryaha goobo fagaare ah.
Amarkan ayaa imaanaya iyada oo wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ay muddo 7 bari ah gudahoda ku bixisay amar in ay turxaab bixin ku sameeyaan dhamaan shaqsiyaadka wata hubkan waxayna ku ekeyd manta oo jimca ah.
Waxaa kamid ah shaqsiyaadka wata hubka aan la turxaan bixin xildhibaanada dowladda, wakiilada haweenka, gudoomiyaasha ismaamullada iyo wakiil xaafadeedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here