Dowladda Cuba ayaa sheegtay in ay dadaal dheer ugu jirto in ay xoriyadooda dib u helaan labo dhaqtar oo dalka Kenya lagu afduubtay bishii April ee Sanadkaan.
Jose Angel Portal, Wasiirka Caafimaadka ee dalka Cuba ayaa xaqiijiyay in ay noolyihiin dhaqaatiirtu, balse ma uusan sheegin meesha ay joogaan iyo sida ay Dowladdiisu ku xaqiijisay nolosha dhaqaatiirta.
Havana oo uu ku qabtay Shir Jaraa’id ayuu ku sheegay in Cuba ay mar walba diyaar u tahahy islamarkaana dadaal ku bixineyso si ay usoo hesho dhibaneyaasha laga afduubtay.
Waxaa uu carabka ku dhuftay in aysan jirin dalab madax furasho ah oo kasoo gaaray kooxihii Afduubka geystay.
Labada dhaqaatiirta ah ee la afduubay oo kala ah Landy Rodriguez iyo Assel Herrera ayaa u baahan hanaan waqti qaadanaya iyo wada hadal si loogu guuleysto soo deysmadooda, sida uu sheegay wasiirka Caafimaadka Cuba Jose Angel.
Madaxweynaha Dalka Cuba ayaa horey ula xarriiray Madaxweyna Soomaaliya iyo Kenya si loo dardar galiyo baadi goobka dhaqaatiirta laga Afduubtay Gobolka Xuduuda.
Afduubkan ayaa ka dhacay gudaha ismaamulka Mandera waxaana inta badan weerarada ka dhaca xadka Kenya iyo Somaliya lagu eedeeyaa Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here