Wax ku dhow 1,000 ruux ayaa lagu dilay dagaaladda hareeyay dalka Liibiya tan iyo markii Ganeral Khaliifa Hafter uu bilaabay gulufka uu doonayo in uu ku qabsado Caasimadda Tripoli Sedax bilood ka hor, sida ay sheegtay Hey’adda Cafimadka Aduunka ee WHO.
Warbixintan ayay soo shaac baxday jimcihii waxaana ku jira 60 qof oo ah muhaajiriin xabsi ku jiray islamarkaana lagu dilay dagaal cirka ah oo lagu qaaday magaaladda Tajuura ee duleedka Tripoli habeenkii Talaadada.
Gen. Khaliifa Hafter iyo ciidanka uu hoggaanka u hayo oo heysta Bariga Liibiya iyo qaybo ka mid ah Koonfurta ayaa bishii April ee Sanadkaan bilaabay dagaal ay doonayaan in ay ku maja xaabiyaan Dowladda uu Caalamku aqoonsanyahay ee caasimadda Degan.
Duqeymaha cirka ah iyo kuwa dhulka ayaa la sheegay in ay ku dhinteen 1,000 qof halka dhaawacuna gaarayo 5,000 sida ay ku warrammeyso Hey’adda Caafimaadka Aduunka, WHO.
Hay’adda ayaan u kala saarin tiradan dhibaatada ay gaartay shacab iyo dagaallamayaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here