Somali Foreign Minister Ahmed Isse Awad speaks during an interview with Reuters in Mogadishu, Somalia April 20, 2018 REUTERS/Feisal Omar

Danjire Axmed Ciise Cawad oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in Dawladda Soomaaliya Xiriirka ay u jartay Jamhuuriyadda Guinea.

Waxaa uu sheegay in dalka Guinea uu ku xad gudbay midnimada iyo Qarannimada Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sidokale sheegay in dowladda Soomaaliyeed aysan u dul qaadan doonin xad gudub ka dhan ah wadajirka iyo qarannimada ummadda Soomaaliyeed iyo waliba madax-bannaanida dalka Soomaaliya.

Ugu Dambeyn Wasiir Cawad ayaa sheegay in Dawladda Soomaaliya ay u taagan tahay Ilaalinta iyo Dhawrista Midnimmada, Madax-banaanida iyo Qarannimada Ummadda Soomaaliyeed, isaggoo xusay in Go’aan kasta oo Dawladda ay qaaadaneyso uu ku saleysan yahay u adeegidda danta Shacabka iyo Difaaca Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here