Xaflad lagu qabtay magaalada Elborn ee deegaanka Molo oo lagu falanqeynayay sare u kacca iyo isticmaalka qamriga ayaa ugu dambeyn ku soo dhamaatay fashil maalinnimadii khamiista kadib markii uu xildhibaanka Kuria Kimani uu u muuqday mid jaha wareesan.

Fadhigan ayaa lagu waday in uu shir gudoomiyo ku xigeenka gudoomiyaha amaanka Mr. David Wanyonyi.

Waxaa mar uun xaldladda hareeyay yaab iyo filan waa kadib markii uu xildhibaankan soo xaadiray goobta isaga oo ay hareer socdaan siyaasiyiin asxaab ay yihiin iyo waliba taageerayaal toboneeyo kor u dhaafaya.

Qaar kamid ah dadka xafladda ka soo qeyb galay ayaa warbaahinta u sheegay in xildhibaanka uu u dhaqmaye si aan habbooneyn islamarkaana la ogaaday markii uu ka soo muuqday masraxa.

Waxaa la sheegay in ay noqotay markii ugu horreysay oo ay ciidamada bileyska goobta kala baxsadaan ninkan iyo ilaladiisa kadib bulshada oo ugu hanjabay in ay garaacayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here