Paul Kagame,Madaxweynaha dalka Rwanda ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu safar dalkaasi ku tagi lahaa uu dib dhacay cilad farsamo oo jira awgood.

Hadalkana oo uu ku soo qoray Twiterka kadib markii uu madaxweyne farmaajo hambalyo u diray madaxweynaha iyo shacabka Rwanda taas oo ku aaddan maalintii uu dhamaaday colaaddoodii sokeeye oo ay u dabaal degayeen.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa siyaabo kala duwan u cabiray aragtidoda ku adan waxa sababay in u baaqdo Safarka madaxweynaha uu ku tagi lahaa magaalada kigaali ee dalka ruwaanda.

Qaar kamid ah dadka ayaa qabaa in madaxweyne farmaajo diyaaraddii uu ku tagi lahaa dalka ruwaanda ay ku timid cilad farsamo taasi oo sababtay markii dambe inuu baaqdo madaxweynuhu.

Illaa iyo haatan, ma jiro hadal kasoo baxay madaxtooyada soomaaliya oo ku aaddan xaqiiqada arrintan balse paul kigaami ayaa ku tilmaamay inay ku dhacday arrintaan cilad farsamo kaliya islamarkaana aysan jirin sabab kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here