Waxaa lagu soo waramayaa in Ugu yaraan 26 ruux ay dhimatay 47 kalena la soo badbaadiyay ay ku dagtay xeebta dalka Honduras sida ay sheegeen masuuliyiinta.

Doonida ayaa la sheegay in ay quusatay xilli ay mareesay gobolka Mosquitia oo xigga bariga dalka Honduras gaar ahaan xeebaha Caribbean’ka.

Ilaa iyo haatan ma cadda waxa sababay shilka balse waxaa socda baaritaano ladoonayo in lagu ogaado sababihii ka danbeeyay shilka.

Ahayeenka ciidamada xooga, Jose Meza ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in meedadka iyo dadka lasoo badbaadiyay lageeyay magaalada Puerto Lempira  oo u dhaw halka uu shilku kadhacay.

Sidokale, waxaa uu sheegay in ka hor inta uusan shilkani dhicin in ay dooni kale dagtay taas oo ay saarnaayeen dad badan.

Ugu yaraan 40 ruux ayaa lasheegayaa in doonidaasi lagasoo badbaadiyay iyadoona aysan jirin wax dhimasho ah oo lasoo wariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here