Maxkammadda ayaa maalinkii shaley ahaa waxaa ay kordhisay muddada uu ku sii jiri doono xabsiga nin u dhashay dalka Uganda oo lagu eedeeyay in uu si khayaano ah uga dhacay lacag gaareysa 23 milyan oo shilinka dalka ah ganacsade caalami ah.

Kayomba Gorman oo ku magac dheer Timothy Mureithi ayaa waxaa uu markale ku sii jiri doona xabsiga isaga oo ay wehliyaan Munzala Javier Runili oo ah qareen, Jared Otieno oo ah ganacsade, Philip Nashon Aroko iyo Ismail Shikanda Akanda.

Raggan ayaa lagu soo eedeyay in ay si khayaano ah uga dheceen lacago gaaraya 23 milyan oo shilinka dalka ah muwaadin u dhashay Brazil oo gudaha dalka ka waday gacansiyo kala duwan.

Xilli lagu guda jirey dhageysiga dacwadda Maxkammad ku taala magaalada Nairobi, xeer ilaaliyaha  ayaa sheegay in eedeysanahan lagu raad joogay tan iyo sanadkii tagay islamarkaana aan gacanta lagu soo dhigin.

Garsooraha ayaa kordhiyay wakhtiga uu ku sii jiri doono xabsiga eedaysanaha waxana uu sheegay in kiiska la dhageysan doono 14-ka August.

Eedeysanahan ayaa la sheegay in uu dhacca u geystay dhibanaha intii u dhaxeysa 15kii May ilaa iyo 9kii June ee sanadkii tagay xilligaas oo uu ku qanciye in uu ugu soo dhoofinayo 8 kilo oo dahab ah Dubai.

Xeer ilaaliyaha ayaa ku andacoonayaa in macaamilku ay fulisay shirkadda Aroko oo lagu magacaabo Avaala Metals Ltd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here